Southampton oo taako u dhigtay kooxda Manchester City oo marti ugu ahayd garoonka Saint Mary

0
154

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Southampton oo taako u dhigtay kooxda Manchester City oo marti ugu ahayd garoonka Saint Mary’s, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Southampton.

Daqiiqadii 7-aad kooxda kubadda cagta ee Southampton ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Kyle Walker-Peters kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Nathan Redmond.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

65 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Manchester City ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Aymeric Laporte oo caawinta goolkan ka ehalay saaxiibkiis Kevin De Bruyne.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Southampton iyo Manchester City, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Saint Mary’s.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here