Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xoojinta amniga badaha Soomaaliya.

0
385

Muqdisho(Idaacada Waamo)Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa ku kala saxiixday magaalada Muqdisho heshiis ku saabsan heerka howlgalka Midawga Yurub ee Awoodda Dhismaha Soomaaliya (EUCAP Somalia).

Heshiiska waxaa kala saxeexday Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, iyo Danjiraha Wakiilka Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

Qaab-dhismeedka heshiiska ayaa qeexaya habka iyo wada shaqeynta u dhexeysa Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo ahmiyadaha amniga iyo qorshayaasha xasiloonida si loo horumariyo awooda amniga badaha Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Danjiraha EU-da ee ku sugan magaalada Muqdisho waxay tilmaameen hormarinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dhinac inuu yahay mid wanaagsan oo lagu qanco laguna gaari karo himilooyinka la doonayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here