Soomaaliland oo Fagaare ku burburisay Maandooriyaha Khamriga

0
430

Togwajaale (Idaacadda Waamo)Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa Magaalada Togwajaale waxaa ay Maanta fagaaro ku yaalla ku bur buriyeen dhalooyin Khamri ah,sidoo kale lagu gubey Xashiish farabadan oo howlgal lagu soo qabtey.

Go’aanka lagu burburiyey dhalooyinka Khamriga iyo tiro Xashiish ah ayaa waxaa fuliyey Maxkamada Gobolka ay Soomaaliland u taqaano Gibleey,waxaana fagaaraha ku sugnaa Boqolaal kamid ah dadka Magaalada Wajaale.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Togwajaale ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay dagaal adag kula jireen maandooriyaha,isaga oo ugu baaqay dadweynaha Magaalada Wajaale inay ka qeyb qaataan dagaalkaas.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in Ciidanka Booliska ee degmada Wajaale inay tallaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo lagu qabto,iyada oo ka Ganacsaneysa ama isticmaaleysa Khamriga iyo Xashiishka.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Heer degmo ee Magaalada Wajaale ayaa sheegay in Maxkamadda ay xukuntay dad lagu oo qabtey Khamriga oo gaaraya ilaa Lix Eedeysane,isla markaana lagu xukmay min Shan Sano ah,waxaana uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin Ka Ganacsiga maandooriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here