Soomaailya iyo UNESCO oo wada saxiixday heshiis iskaashi

0
405

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada, dhaqanka iyo Seyniska UNESCO marwo Audrey Azoulay, oo booqasho ku timid Muqdisho.

labada masuul ayaa tashi ka yeeshay sidii dowladda Soomaaliya iyo hay’addu ay iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo kulanka ka qeyb galay ayaa heshiis iskaashi iyo wada-shaqeyn la saxiixday Agaasime Audrey Azoulay.

Wasiir Goodax oo munaasabadda saxiixa heshiiska ka hadlay ayaa farta ku fiiqay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in la xoojiyo iskaashiga wada shaqeyneed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo UNESCO ee lagu horumarinayo waxbarashada iyo la jaanqaadka tiknooljaiyada casriga ah.

Goodax ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya oo hay’addan xubin ka noqotay 1960-kii ay sidoo kale qeyb ka ahayd heshiisyo waaweyn oo dhacay 1972 kii iyo 2003-dii lagu dhiirrigelinayay ilaalinta goobaha taariikhiga ah iyo dib u nooleyn dhaqanka Soomaaliyeed.

Dowaladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay dib u qaabeynta waxbarashada dalka iyada oo heer wanaagsan marsiinaysa diyaarinta manhaj waxbarasheed dhammaystiran oo uu dalku yeesho.

Sidoo kale dowladda oo gudanaysa xilkeeda ilaalinta iyo dib u noolaynta taariikhda iyo dhaqanka ayaa dabayaaqadii sanadkii tagay dib u soo celisay ilaa 5 taallo oo magaalo Muqdisho ay dib uga taagtay burburkii kaddib.

Waxaa intaa sii dheer in uu heer gabogabo ah marayo dib u dhis lagu samaynayay golaha murtida iyo madadaalada iyo sidoo kale matxafka iyo maktabadda qaran oo dhammaantood lagu dhisay barnaamij loogu magac daray isxilqaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here