Somalia Oo Gaaray Guul Tartanka CECAFA Senior Challenge Cup 2019

0
545

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xulka Qaranka Somalia ayaa Gaaray Guushoodii ugu Horaysay ee Tartanka Cecafa Senior Challenge Cup iyaga oo Kaalinta 3-aad Ka Galay Kala Saraynta Group-ka.

Xulka Somalia ayaa Kulanka Kusoo Galay iyaga oo u Baahan Iney Guul Gaaraan Kadib Markii ay guuldaro kala Kulameen Xulka Uganda Kulankii 2-aad ee Tartanka Cecafa Senior Challenge Cup sanadka 2019.

Xulka Somalia ayaa Garaacay xulka Burundi iyaga oo Galay Kaalinta 3-aad ee Kala Saraynta sidoo kale soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican.

Daqiiqadii 40-aad ayuu Xulka Qaranka Somalia Hogaanka u Dhiibay Ciyaarta Kadib Markii uu xiddiga khadka Dhexe ee Omar Mohamed Gool Qurux badan u Dhaliyay Xulka Somalia Goolkaas Ayeyna Ku Badiyeen Xulkeena.

Waxana Sidaas Ku Dhamaatay Ciyaarta oo uu Xulka Somalia Kaalinta 3-aad Kasoo Galeen Group-kooda iyaga oo 15 Bishan oo ku beegan Axada ay La Ciyaari Doona Xulka Qaranka Eritrea.

Somalia deepens Burundi's CECAFA misery

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, outdoor and nature

Image may contain: 10 people, people standing and outdoor

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Image may contain: 10 people, people standing and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here