Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Liverpool Arne Slot ayaa xaqiijiyay inuu isku shaandheyn doono shaxdiisa 4-ta kulan ee ugu dambeeya horyaalka premier League.
Reds ayaa loo caleemo saaray horyaalnimada iyadoo afar kulan ay u harsan tahay ka dib markii ay 5-1 ku garaaceen Tottenham Hotspur axadii hore garoonka Anfield, taasoo dhalisay dabaaldegyo duur xul ah oo ka dhacay Merseyside.
Slot waxa uu noqday tababarihii shanaad ee ku guulaysta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya waxana uu sheegay in uu is badal ku samayn doono shaxdiisa.
Slot ayaa ciyaarsiin doona kulamada dhiman xiddigaha aan xilli ciyaareedkan sida joogtada ah ugu ciyaarin kooxda.
“Waa dhamaadka xilli ciyaareedka, laakiin sidoo kale waa inaan u eegno bilowga xilli ciyaareedka soo socda”ayuu Slot yidhi.
“Waxa jiri doona is badalo kala duwan kulamada soo socda”.