Sir Jim Ratcliffe Oo Qarka U Saaran In Uu La Wareego Man United

0
81

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Sir Jim Ratcliffe ayaa lagu soo waramayaa in uu dhamaysirayo iibsiga saami 25 ah oo kooxda Man United ah kadib markii uu Shiikh Jassim ka baxay tartanka iibsiga kooxda.

Ratcliffe iyo Sheikh Jassim ayaa ku jiray tartan iibsiga kooxda ah tan ilaa marii Milkiilayaasha kooxda ee Glazers ay ku dhawaaqeen qorshahooda iibka United bishii November ee la soo dhaafay.

Si kasta ha ahaatee labada dhinac ayaa ku fashilmay in ay milkiilayaasha kooxda ku qanciyaan in ay iibiyaan kooxda iyaga oo doonayay lacag dhan 10 bilyan.

Sida la fahamsanyahay Dalabka Qatar ayaa ahaa 5 bilyan euro waxana diiday milkiilayaasha kooxda ee haatan taas oo keentay in ay ka baxaan tartanka.

Ratcliffe ayaa haatan la wareega 25% kooxda Man United isaga oo ku iibsan doona lacag u dhexaysay 1.4 bilyan ilaa 1.5 bilyan euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here