Simeone oo si xiiso leh kaga hadlay wararka la xiriira in Griezmann uu ku laabanayo Atletico Madrid

0
445

Madrid(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa si maldahan u sheegay inay adag tahay in markale ay dib ula soo saxiixdaan Antoine Griezmann oo haatan ka tirsan Barcelona, kaddib markii lala xiriiriyay ciyaaryahanka inuu ku laabanayo Rojiblancos.

Magaca Antoine Griezmann waxaa la xiriiray ku laabashada kooxdiisii hore ee Atletico Madrid, maadaama Barcelona ay dooneyso in iibinta Griezmann ay ka xaliso dhibaatada dhaqaalo ay ku jirto, kaasoo uu sababay caabuqa Korona Fayras.

Barcelona ayaa u baahan inay iibiso ciyaartoy badan inta suurtagalka ah si loo yareeyo mushaharka ciyaaryahanada, maadaama ay sameysay heshiisyo cusub ay ka mid yihiin Sergio Aguero, Memphis Depay, Eric García, iyo marka lagu daro inaysan cusbooneysiin qandaraaska halyeeyga Lionel Messi.

Warar badan oo saxaafada Spain ah ayaa xaqiijiyay in Antoine Griezmann uu qarka u saaran yahay inuu markale dib ugu laabto Atletico Madrid, laakiin waxay u muuqataa in arintu aysan dhici doonin, kaddib markii uu Diego Simeone la hadlay dhawaan wargeyska “Marca” ee dalka Spain.

Haddaba Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Griezmann:

“Waxaan rajeynayaa in Antoine Griezmann uu wax weyn ka qaban doono Barcelona.”, isaga oo si cad u muujiyay in ciyaaryahanka uusan markale ku laaban doonin Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here