Sii Hayaha Wasiirka Ganacsiga DFS oo ka qeyb-galay shirka Ganacsiga ee Turkiga iyo Africa

0
310

Muqdisho(Idaacadda Waamo)-Shirkan oo ku qabsoomay habka internetka ee muuqaal araga ah ayaa waxa furay madaxweynaha dalka turkiga mudane rajab tayip erdogan iyada oo sidoo kale  ay goob ka ahayd wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee dalkaasi ruhsar pekcan iyo  sidoo kale wasiiradda ganacsiga iyo warshadaha wadamada afrika, waxa sidoo kale shirkaasi ka qeyb-galay madaxda midowga afrika, comesa iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan oo hal maalin socday, ayaa wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey, waxa uu kaga hadlay xaaladda ganacsi iyo dhaqaale ee Soomaaliya ee uu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyada shuruucda, heshiisyada iyo fududeynta ganacsiga. isaga oo sidoo kale carabka ku dhuftay in horumar laga gaadhay heshiisyaddii dhaqaale iyo ganacsi ee hore ay u kala saxeexdeen wadamada turkiga iyo soomaaliya taas oo uu sheegay in ganacsiga soomaaliya ay la lee dahay turkiga uu sanadkii 2019-kii noqday 206 malyan halka sanadkii 2017-kii uu ka ahaa 144 malyan.

Wasiirku, wuxu sidoo kale ka war-bixiyey dadaalada lagu fududeynaayo ganacsiga gaar heshiisyada suuqyada ganacsiga ee caalamiga oo uu sheegay inay meel fiican marayaan, waxaana  carabka ku dhuftay in qorshahooda ay ku jirto in si deg-deg ah loo dhammeyatiro heshiiska tepa ee turkiga iyo soomaaliya.

Enj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu uu ugu dambeyn u mahad-celiyey Madaxweynaha wadanka turkiga Mudane recep tayip erdogan iyo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee wadankaasi  ruhsar pekcan isaga oo uga mahad-celiyey marti-qaadka rasmiga ah ee ay soo siiyeen Soomaaliya.waxaana uu balan-qaaday inay ka dawlad ahaan diyaar u yihiin xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsi ee aynu la lee nahay turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here