Shir-weynaha Deegaanka iyo Isbelka Cimilada oo Kismaayo ka furmay

0
9

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa laga daah furay Shirwaynaha 1-aad ee deegaanka iyo Isbadalka Cimilada kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada Jubbaland.

Shirka oo inta u socdo diirada lagu saarayo saameynta isbadalka cimiladu ku yeelatay deegaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa ayaa waxaa Daah furay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana kasoo qayb galay Masuuliyiinta Dowlada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here