Shirkadda Telesom iyo Hay’adda Maraykanka ee Horumarinta Afrika oo Si Wadda Jir ah u Daahfuray Adeegga Cusub ee Xoogsade.

0
309

Hargaysa(Idaacada Waamo)Shirkadda Telesom iyo Hay’adda Maraykanka ee horumarinta Afrika ayaa maanta
si wadda jir ah u daahfuray adeegga cusub ee Xoogsade, Adeegan oo kuu
sahlaya in aad dalban karto farsamo-yaqaano xirfad leh adiga oo jooga gurigaaga
iyo goobtaada shaqo.
Munaasibada lagu daah-furaayey adeegga Xoogsadda oo ka dhacday xarunta

shacabka ee shirkadda Telesom waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda
Shaqo-galinta iyo Arimaha Bulshadda Somaliland, Agaasimaha Wasaaradda
Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Xog-hayaha Rugta Ganacsiga Somaliland,
Guddoomiyaha Daladda SONYO, masuuliyiin ka socotey hay’addaha goloyaasha
Soomaaliland, Shirkadaha ganacsiga, ururadda rayidka ah, farsamoyaqaano ka
qaybgalay iyo marti-sharaf kale.

Munaasabada waxaa ka hadashay Garyaqaanadda Guud Telesom marwo Ilhaan
Dahir Xasan waxaanay sheegtay in adeegan (XOOGSADE) uu shaqo-abuur u
sameyn doono dadka leh xirfadaha: cunto-karinta, cilaan-saarka, biyo-galinta,
dhismaha, nijaaradda, makaanikada iyo timo-jarista. Garyaqaan Ilhaan ayaa sidoo
kale sheegay in adeeggan Xoogsade uu si weyn uga faa’iidi doonaan haweenku.
Cabdiraxmaan Aadan Ismaaciil (Aar) Madaxa Waaxda Iib-geynta ee shirkadda
Telesom ayaa isna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey adeeggan Xoogsade,
waxaanu sheegay in adeegani uu isku xidhi doono qofka xirfadda leh iyo qofka
doonaya in loo qabto adeeg. Madaxa Suuq-geynta Telesom ayaa sheegay in
adeegani uu kaga duwan yahay adeegyadda kale, qof doonaya in shaqo loo
qabto uu helaayo qof xirfaddiisa la hubo lana xaqiijiyey xirfadiisa, tababar-na la
soo siiyey, akhlaaqdiisu dhisan tahay. Haddaba qof doonaya inuu helo qof xirfadle
ah, waxa uu garaacayaa lambarka *403# si bilaash ah.

Agaasimaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Eng. Cali Cabdilaahi
Daahir iyo Xoghaya rugta ganacsiga Somaliland Ibraahim Ismaaciil Cilmi
waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen barnaamijkan ay shirkadda Telesom
soo bandhigtay, waxaanay sido kale hambalyo u direen oo ay bogaadiyeen
shirkadda Telesom iyo dadkii kale ee soo qaban-qaabiyey barnaamijkan.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arimaha Bulshadda
Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo bulshadda ku dhiiri-galinaysa in laga
faa’iidayso barnaamijkan ayay tidhi, “In aynu farsamadan oo kale ka
faa’iidaysanaa waxay sababeysaa saddex shey: Marka koowaad dadku inay
dalkiisa ku nagaadaan, sababtey ugu nagaadayaana, waa inay ka baxaan shaqo
la’aanta baahsan; marka labaad qofku inuu noloshiisa oo dhameystiran heli karo,
waayo dhaqaaluhu waa waxa adigana wax kaa dhigaya qoyskaagana wax ugu
qaban karto; ta saddexeysaana waxaa weeye inaynu qarankeena wax ku celin
karno”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here