Shirkadda Albeyrak oo ku buufisay Dekadda Muqdisho Jeermis dile

0
376

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Shirkada Albeyrak ee laga leeyahay dalka Turkiga oo gacanta ku heysa Maamulka Dekadda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta ku buufisay Dekadda Jeermis dile loogu talo galay ka hor-tagga Cudurka faafa ee Covid-19 oo fara ba’an ku haya dunida.

Olgun Usta Wakiilka Maamulaha guud ee Shirkada Albeyrak oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo dheerado ah oo looga hor-tagayo faafida cudurka Covid-19.

“Shirkadda waxey ku dadaaleysaa in ay dekadda shaqeyso, shaqaalaha joogana ay badqabaan” ayuu yiri Olgun

Sidoo kale Wakiilka Maamulaha shirkada Albeyrak Olgun Usta ayaa sharaxay qalabka lagu oggaan karo qofkii xanuunsan ee ay dhigeen iridka hore ee dakadda Muqdisho, si ay u ilaaliyaan badqabka shaqaallaha.

“Irida waan dhignay qalab lagu oggaado oo hubin karo dadka xaruunsan ee Dakada soo galayo” ayuu yiri Wakiilka

Si kastaba dadaalkaan ay wado shirkadda Albeyrak oo ah ka hor-tagga Cudurka Coronvirus, ayaa ah mid wax weyn ka tari karo cudurkaasi in uusan si fudud ugu faafin bulshada dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here