Shirka Wadatashiga Qorshaha Isbadalka Qaran oo ka furmay Kismaayo.

0
20

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Shirka Wadatashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Dowladda gobolka Jubbaland oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa ka furmay magaalada Kismaayo.

Shirka wuxuu socon doona muddo afar maalin ah waxaana daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Jubbaland Mohamed-wali Ali, waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha kala duwan ee  Jubbaland, Maamulka Gobolka Jubbada Hoose, Maamulka Degmada Kismaayo iyo masuuliyiin kale.

Hamdi Mahamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here