Shirka aragti wadaaga Machadka Hiratage oo la filayo in uu maanta ka furmo Garowe

0
419

Garowe(Idaacadda Waamo)-Shalay Gelinkii dambe ayaa qorshuhu ahaa in Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal  uu ka furmo shirka Aragti wadaaga Machadka Hiratage, hayeeshee sababo la xiriira hoolka lagu qaban lahaa Shirka oo dadka la casuumay qaadi waayay uu u baaqday.

Maanta oo Arbaco ah aya la filayaa in Magaalada Garoowe in  uu shirka ka furmo, waxaana ka qeyb-galaya, Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, Qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada, Xubno kamid ah Midowga Musharixiinta iyo Ururada Bulshada rayidka iyo dad kale oo lagu casuumay.

Shirka oo sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalka Jabuuti ayaa markii ugu horreeysay lagu qabanayaa Soomaaliya, waxaana muddo Saddex Cisho oo uu socon doono sanadkaan looga hadlayaa xasilinta dalka ee dhanka Amniga, Dhameystirka Dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo yagleelida nidaam Federaal oo Shaqeynaya.

Inta badan madaxda ka qeyb-galeysa Shirka ee  ku sugan Magalada garoowe, ayaa xalay waxaa ay yeesheen kulamo gooni gooni ah oo ay uga arrin sanayeen xaalada dalka iyo marxadda kala-guurka ah ee lagu jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here