Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada Muqdisho looga daah-furay Shir Madaxeedka Shanaad ee Hal-abuurka Ganacsiga Soomaaliyeed, kaasoo ah madal muhiim ah oo lagu dhiirrigelinayo kobcinta ganacsiga, hal-abuurka, iyo iskaashiga ganacsatada Soomaaliyeed.
Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, ganacsato, hal-abuurayaal, iyo marti sharaf kale ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo kobcin lahaa fursadaha ganacsi ee dalka, kor loogu qaadi lahaa tayada hal-abuurka, iyo in la xoojiyo doorka dhalinyarada iyo haweenka ku jira suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.