Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Shir Wasaaradaha Caafimaadka Dawlad Goboleedyada iyo dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka socday magaalada Kismaayo ayaa maanta la soo gabagabeeyey.
Shirka ayaa waxaa soo xirtay wasiiradda Caafimaadka xukuumada fadaraalka Soomaalya marwo Fooziyo Abiikar Nuur .
Shirkan ayaa waxa uu socday mudo Sadax maalin ah waxaana looga wada hadlay qorshayaasha caafimaadka sanadka soo socda iyo in si weyn loola dagaalamo faafitaanka xanuunka Covid-19.
Fartuun Nuur Aadan,ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.