Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowlad goboledka Jubbaland oo kaa shanaysa Wasaaradda Caafimaadka Xukuumada fedaraalka Soomaliya ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ku qabatay shir looga hadlayay fayo-dhowrka iyo nadaafada.
Shirkaan oo saddexdii bilood ba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin ka kala socday Maamul goboledyada iyo gobalka Banaadir muhiimada shirkan ayaa ah xoojinta fayo-dhowrka Caafimaadka deegaanka iyo isku xirka Hay’addaha aan dowliga ahayn.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.