Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Shir ku saabsan soo bandhigdda dakhliga Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo, waxaana si’ wada jir ah u soo qaban-qaabiyay Wasaradaha maaliyadda heer Fedaraal iyo heer Dawlad Goboleed,isagoona looga hadlaye soo bandhigidda sharciga dakhliga dalka.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda maaliyadda Dawladda Somaaliya,xubno ka socday Wasaaradda Maaliyadda Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala Duwan ee Ururada Bulshada rayidka.
Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.