Shir Ku saabsan horumarinta Xoolaha oo Baydhabo ka furmay

0
350

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Beydhaba ka furay shir Wadatashi ah oo ku saabsan Horumarinta Xoolaha.

Madaxweynaha Diwlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS, Wasiiradda Xanaanada Xoolaha ee maamul goboleedyada, xubno ka socday gobolka Banaadir , aqoonyahano iyo ururo kala duwan ayaa ka qeyb galay shirkan wadatashiga ah oo looga hadlay arimo ku saabsan mashruuca horumarinta Xoolaha oo ay maalgeliyeyn Midowga Yurub EU gaar ahaan qeybta Horumarinta Xoolaha.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, ayeey ka qeybgalyaashu uga doodeen qaabka ugu haboon ee loo fulin karo mashruucan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shirka furay ayaa sheegay in mashruucan uu muhiimad weyn xambaarsanyahay maadaama dadka Soomaaliyeed ay u badanyhiin dad Xoolo dhaqato ah , wuxuuna ku taliyey in laga wada shaqeeyo horumarinta Xoolaha oo qeyb weyn ku leh dakhliga soo koraya ee dalka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ugudabayntii wixuu Hadalkiisa kusoo gunaanaday “shirkan inta uu idiin socdo waxaa muhiim ah inaad isla ogolaataan baahida Muhiimka ee lagu horumarinaayo xoolaha, Daaqooda,Waraab kooda, Caafimaad kooda iyo Nolosha Xoolo dhaqatada Soomaaliya.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay bulshada Soomaaliyeed oo aad ugu tiirsan xoolaha wuxuuna yiri
“ Waxaa farxad weyn ii ah, in aan maanta idiinkala soo qaygalo geeddi-socodkan muhiimka ah ee ee Barnaamijka Dhamaystiran ee Horumarinta Dhaqaalaha Deegaanada Maxalliga ah (ILED) ee Qaybtiisa Horumarinta Xoolaha si aad uga doodaan una Xulataan Qeybaha Muhiimka ah ee istiratijiyada Horumarinta Xoolaha Soomaaliyeed ee aan sanadkii 2019 si wadajir ah uga wada shaqaynay samynteeda. Mudnaantana aad siisaan habka ugu haboon ee loo adeegsanayo hirgelinta Mashruuca ay noogu deeqday Midowga Yurub EU ee Horumarinta Xoolaha Soomaaliya “

Shirka oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa la filayaa inay kasoo baxaan qorshe loo dhanyahay oo ay Dowlad gobleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Fedraalka ay mid walba ku darsadaan taladooda iyo baahidooda si mashruuca qorshaha loo wada dhan yahay loogu fuliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here