Sheikh Nawaaf Al-axmed oo loo dhaariyey Amiirka cusub ee Dalka Kuwait

0
382

Kuwait(Idaacadda Waamo)-Fadhi ay maanta yeesheen golaha Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa lagu dhaariyey Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir oo ahaa sii hayaha Amiirka Kuwait, intii uu xanuusanaa Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir Amiirkii dalkaas oo shalay Maraykanka ku geeriyooday.

Sheekh Nawaaf oo ay walaalo ahaayeen Amiirka dhintay ayaa jeediyey hal kooban oo uu kaga hadlayo xaaladda dalkiisa iyo mas’uuliyadda cusub ee loo dhaariyey, waxaana uu sheegay inuu shacabka dalkiisa uga tacsiyeynayo geerida Amiirka, sidoo kalena uu sii wadayo hawlaha dawladda, sida ay farayso mas’uuliyadda uu qaaday.

Hawsha ugu horraysa shaqadiisa cusub waxay noqonaysaa aaska Amiirka oo ku geeriyooday dalka Maraykanka, diyaaradna lagu keenayo Maydkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here