Shaxdii ugu Fiicneed Tartanka Euro 2020 oo Lasoo Saaray

0
261

London(Idaacadda Waamo)- Waxa la soo gabagabeeyey tartanka euro 2020 kaas oo muddo bil ah socday lana soo ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh kuna tartameen xulalka ugu waaweyn qaarada yurub.

Xulka qaranka Italy ayaa ku guulaystay koobka euro 2020 iyaga oo ka qaaday xulka qaranka England kulan ka dhacay goornka Wembley.

Kadib dhamaadka tartanka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican tartanka euro 2020 iyada oo la soo xushay 11-kii xiddig ee qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Xulalka ku guulaystay tartanka ee England iyo Italy ayaa shaxda ugu fiican ku leh min 3 xiddig kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen.

Xulka Denmark ayaa dhankooda ku leh shaxda laba xiddig kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen tartanka euro 2020.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here