Shaxda ugu Fiican Taariikhda Premier League oo Lasoo Saaray.

0
333

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Waxa jiray ciyaartoy aad u wanagsan oo wacdaro ka dhigay horyaalka Premier League tan iyo markii la aasaasay 1992, Xiddigo heer caalami ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay.

Horyaalka Premier League ayaa lagu tiriyaa in uu yahay horyaalka ugu xiisaha badan adduunka sabab la xidhiidha in ay mar walba joogaan qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka.

Waxa la soo xushay shax laga sameeyay xiddigihii ugu fiicnaa taariikhda horyaalka Premier League tan ilaa markii la bilaabay tartanka.

Doorashada shaxdaas ayaan ahayn mid aad u fudud marka la eego in 11 xiddig laga dooran karin liis xiddigo ah oo aad u fiican.

Laakiin waxa ugu dambayn la soo saaray shaxda ugu fiican taariikhda tartanka premier League kadib markii la qiimeeyay dhinacyo badan.

Kooxaha Man United, Liverpool, chelsea iyo Arsenal ayaa dhamaantood xiddigo ku leh shaxda inkasta oo ay ku kala xiddigo badan yihiin.

Do you agree with our all time Premier League XI?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here