Shaxda ugu fiican taariikhda Kubada Cagta oo Lasoo saaray

0
310

France-(Idaacadda Waamo)- Majalada ciyaaraha France Football ayaa soo saartay shaxda ugu fiican taariikhda kubada cagta ee Ballon d’Or dream team (kooxda riyada) kadib codayn buuxda oo ay samaysay.

140 saxafi oo adduunka oo dhan ka kala socda ayaa u codeeyay waliba doortay shaxda ugu fiican taariikhda kubada cagta iyada oo Majalada France Football-na ay soo saartay shaxdaasi.

Kadib codayntaasi oo Internet-ka ah waxa si Rasmi ah loo shaaciyay shaxda ugu fiican taariikhda kubada cagta.

Shaxda ayaa ka koban 3-4-3 waxana kasoo muuqday xiddigo haatan ciyaara kubada cagta halka ay inta badan xiddigaha shaxda kasoo muuqday ay noqdeen kuwo ciyaaraha ka fariisteen.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo Iyo Lioenl Messi ayaa ah labada xiddig ee kasoo muuqday haatan shaxda  iyada oo 9-ka xiddig ee kale ay yihiin kuwo wakhti hore ka fariistay  ciyaaraha.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here