Portugal-(Idaacadda Waamo) Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee UEFA ayaa Soo Saartay Shaxda ugu Fiican Todobaadka Champions League Kadib Markii La Ciyaaray Kulamadii Semi-finalka Tartanka Maalmihii Lasoo Dhaafay.
Kooxaha Bayern Munich iyo PSG ayaa iska Xaadiriyay Final-ka Tartanka yurub ee Champions League Kadib Markii ay Kasoo Talaabsadeen Kooxaha Lyon iyo RB Leipzig.
Kooxaha iska Xaadiriyay Final-ka Champions League ee Bayern Munich iyo PSG ayaa Soo Bandhigay Qaab Ciyaareed Cajiib ah Sidaa Daraadeed Shaxda Lasoo Saaray Iyaga ayaa Laga Soo Xushay Inkastoo ay Jireen Xidigo Qaab Ciyaareed Fiican Soo Bandhigay oo Kooxohoodu Hareen.
Kooxda Bayern Munich ayaa Leh Xidigaha ugu Badan Shaxda Ilaa 6 Xiddig ayey Ku Leedahay Halka Kooxda Kale ee Finalka Tartanka Champions League ee PSG ay Shaxda Ku Leedahay Ilaa 5 Xidig .