Shaxda Ugu Fiican Sanadka Premier League oo La Soo Saaray

0
58

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda sanadka ee PFA Premier League 2023/24 ayaa la go’aamiyay, iyadoo xiddigaha Arsenal, Liverpool, Manchester City iyo Aston Villa ay heleen abaal marinta.

Dhanka daafaca, goolhayaha Arsenal David Raya ayaa ku soo baxay kadib markii uu ku guulaystay abaalmarinta Golden Glove taasoo keentay inuu 16 kulan shabaqa ilaashaday.

Daafaca dhexe, William Saliba iyo Gabriel Magalhaes, ayaa sidoo kale ku soo baxay shaxda kadib markii ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen iyada oo kaliya Arsenal laga dhaliyay 29 gool 38 kulan oo ay kooxdu ciyaartay iyada oo Saliba ciyaaray daqiiqad kasta oo xilli ciyaareedka ah.

Daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa sidoo kale shaxda ku soo baxay kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay waxana sidoo kale boos ka helay daafaca xiddiga Man City ee Kyle Walker.

Khadka dhexe xiddigaha Arsenal ee Declan Rice ‑& Martin Odegaard ayaa ku soo baxay shaxda iyada oo xiddiga Odegaard dhaliyay 7 gool 9 kalena caawiyena ka noqday.

Waxa khadka dhexe sidoo kale ku soo baxay xiddiga Man City ee Rodri kaas oo kooxdiisa ka caawiyay in ay ku guulaysato premier League.

Xiddigaha Man City ee Foden iyo Haaland ayaa ku soo baxay weerarka iyaga oo uu hogaaminaya Xiddiga Aston Villa Ee Ollie Watkins.

Goolhaye: David Raya (Arsenal)

Daafaca: William Saliba (Arsenal), Virgil van Dijk (Liverpool), Gabriel Magalhaes (Arsenal), Kyle Walker (Man City)

Khadka dhexe: Declan Rice (Arsenal), Martin Odegaard (Arsenal), Rodri (Man City)

Weerarka: Erling Haaland (Man City), Phil Foden (Man City), Ollie Watkins (Aston Villa)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here