Shaxda ugu Fiican Sanadka 2022 oo Lasoo bandhigey.

0
140

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Waxa lagu jiraa todobaadiyadii ugu dambeeyay ee sanadka 2022 iyada oo xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Wargayska L’Equipe ee ka soo baxa dalka France ayaa soo saaray shaxda ugu fiican ee sanadka 2022 iyaga oo soo qaatay xiddigaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Wargayska ayaa soo qaatay xiddigaha sida fiican u ciyaaray intii uu socday Sanadka 2022 oo la ciyaaray kulamo badan iyo tartamo badan oo kala duwan.

Sanadka 2022 ayaa la ciyaaray tartamo badan oo uu ka mid yahay koobka adduunka oo la soo dhamaystiray todobaadkan.

Xiddigaha Casemiro, Lionel Messi, Kylian Mbappe, Karim Benzema & Luka Modric ayaa ka mid ah shaxda ugu fiican ee uu soo saaray wargayska L’Equipe.

Xiddiga PSG ee Leo Messi ayaa ah xiddiga kaliya ee xulka Argentina ee ku guulaystay koobka adduunka kaga jira shaxda ugu fician ee sanadkan.

Xiddigaha Walker, Van Dijl, Gvardiol, iyo Theo Hernandez ayaa sidoo kale ku jira shaxda ugu fiican sanadka halka uu Goolhaye Courtios ilaalinayo goolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here