Shaxda ugu Fiican Premier League Todobaadkii ugu Horeeyay oo La Soo Saaray

0
363

England (Idaacadda Waamo)- Premier League ayaa Dib Loogu Soo laabtay Todobaadkan Kooxaha Sida Arsenal, Liverpool iyo Chelsea ayaa Dhamaantood Guulo Ku Furtay Xilli Ciyaareedka Cusub.

Kooxda Difaacanaysa Horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa Garaacday Kooxda Leeds United Waana Kulan 7-Gool La iska Dhaliyay Halka ay Arsenal Guul Ku Hogaamiyeen Saxiixyadeeda Cusub Kuwaas oo Garaacay Kooxda Fulham.

Chelsea ayaa Guul Qurux Badan Ka Gaartay Kooxda Brighton Halka Iyaguna Liecester City, Wolves Iyo Everton ay Dhamaantood Guulo Ka Gaareen Kulamadooda.

Kadib markii La ciyaaray Kulankii ugu Horeeyey ee Horyaalka Premier League Waxa Lasoo Saaray Shax Laga Sameeyay xiddigihii ugu fiicnaa Kulamadaasi.

Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka kooxda Everton ku yeelatay 2 xiddig.Garth Crooks' team of the week: Salah, Gabriel, Willian, Rodriguez - BBC Sport

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here