Shaxda ugu Fiican Horyaalka La Liga Sanadka 2020 oo Lagu Dhawaaqay.

0
361

Spain-(Idaacadda Waamo)- Shaxda ugu fiiican sanadka 2020 ayaa laga soo xulay dhammaan kooxaha wacdarada soo dhigey sanadkii tagey ee 2020 kuwaaso laga soo qaatay xiddigihii wacdaraha u dhigey.

Kooxda Real Madrid ayaa leh xiddigaha ugu badan shaxda sanadka 2020 ee horyaalka la Liga kadib markii ay ku guulaysteen horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

Real Madrid: LaLiga champions 2019/2020 - AS.com

Los Blancos ayaa leh 5 xiddig shaxda ugu fiican La Liga sanadka 2020 kadib qaab ciyaareed fiican oo ay soo bandhigeen xiddigaheeda xilli ciyaareedkii tagey 2020.

Kooxda Barcelona ayaa kaliya hal xiddig ku leh shaxda waana xiddiga hogaamiya kooxda ee kabtanka u ah Lionel Messi kadib markii ay kooxdu si weyn u dhibaatootay.

Kooxaha Atletico Madrid, Sevilla, Villarreal, Sociedad iyo Celta Vigo ayaa iyagana min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican sanadka 2020.

الرؤية الرياضية | التشكيلة المثالية للدوري الإسباني في عام 2020، وفقاً  لموقع "هوسكورد" المختص في إحصاءات كرة القدم.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here