Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Saxiixyada cusub ee Liverpool Florian Wirtz iyo Hugo Ekitike ayaa labadoodaba la filayaa in ay ku bilowdaan kulanka Crystal Palace ee Community Shield.
Liverpool ayaa war fiican ka heshay taam ahaanshaha Virgil van Dijk, kaasoo ku soo laabtay tababarka ka dib markii uu xanuunsaday.
Alisson Becker ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Liverpool ka dib markii uu seegay safarkii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Asia sababo shaqsi ah dartood, waxaana uu kula tartamayaa Giorgi Mamardashvili inuu ku soo bilowdo goolka.
Jeremie Frimpong ayaa lagu wadaa inuu ku soo bilowdo daafaca midig, iyadoo Conor Bradley uu shaki ku jiro taam ahaanshihiisa.
Halkan Kaga Bogo shaxda Ay Liverpool ku ciyaari karto kulanka:
Alisson; Frimpong, Konate, van Dijk, Robertson; Gravenberch, Szoboszlai; Salah, Wirtz, Gakpo; Ekitike