Shaxda Ay Arsenal Ku Ciyaari Karto Kulanka Tottenham Kadib Masiibadii Dhaawacyada Ee Khadka Dhexe

0
40

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Arsenal ayaa gali doonta kulanka North London Derby ee ay la ciyaari doonto Tottenham iyada oo ay ka maqan yihiin labada xiddig ee ugu muhiimsan khadka dhexe ee Martin Odegaard iyo Declan Rice.

Kabtanka Norway ayaa dhaawac soo gaaray habeenimadii isniinta taasoo laga yaabo inuu seego kulanka axada ee waqooyiga London derby.

Xiddiga Odegaard ayaa lagu arkay isaga oo ku boodaya bir isla markaas waxa uu dhaawacu u muuqdaa dhaawac halis ah.

Odegaard ayaa gool dhaliyay gool kulankii 2 sano ka hor ee uu ka hor tagay Tottenham waana xiddiga ugu caawinta fiican dhinaca kubad samaynta Arsenal.

Sidoo kale waxa Arsenal ka maqan xiddiga Declan Rice kaas oo kulanka ku seegi doona ganaax maadama uu kaadhka cas qaatay kulankii ugu dambeeyay.

Mikel Arteta ayaa la filayaa in uu booska Rice ka ciyaarsiiyo xiddiga Jorginho halka uu booska Odegaard ka ciyaari doono xiddiga Kia Havertz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here