Shax Laga Sameeyay Xiddigihii Ugu Qaalisanaa Ee Ku Fashilmay Premier League

0
322

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Alexis Sanchez ayaa ugu dambayn soo afjari doona wakhtigii adkaa ee uu ku soo qaatay kooxda Man United.

Xiddiga 31 jirka ah ee reer Chile ayaa Man United kaga soo biiray kooxda Arsenal isaga oo ka mid ahaa heshiis uu Henrikh Mkhitaryan ugu biiray kooxda Arsenal.

United ayaa Saxiixa xiddiga ka afduubatay kooxda Man City kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga iyaga oo ku jiitay mushahar dhan 505 kun oo Gini todobaadkii iyaga oo rumaysnaa in uu yahay xiddig ku soo celin kara wakhtigii fiicnaa.

Laakiin muddo 2 sano iyo badh uu joogay Old Trafford Sanchez ayaa dhaliyay kaliya 3 gool oo premier League ah isaga oo xagaagii hore amaah ugu biiray Inter Milan.

Sanchez ayaa haatan si toos ah ugu biiri doona kooxda Inter Milan kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Ka hor Sanchez waxa jira xiddigo badan oo lacag badan laga bixiyay laakiin si weyn ugu fashilmay kooxaha ay ku biireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here