Shax isku dhaf ah oo laga sameeyay Kooxaha Real Madrid iyo Inter Milan

0
389

Madrid(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa caawa garoonkooda Alfredo Di Stefano ku soo dhoweynayaan Inter Milan kulan qeyb ka ah tartanka Champions league, iyadoo Los Blancos ay raadinayso guusheedii ugu horreysay xilli ciyaareedka ee tartankan.

Real Madrid ayaa qaadatay kaliya hal dhibic labadeedii kulan ee ay la kala ciyaartay Shakhtar Donetsk iyo Borussia Monchengladbach waxaana ay fadhisaa kaalinta ugu hooseysa Guruubkeeda B.

Inter Milan ayaa dhankeeda uruursaday labo dhibcood, maadaama labadii kulan oo ay ciyaartay Champions League ay labadaba barbaro soo gashay.

Shabakadda Sports Mole ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood laga sameeyey ka hor kulankooda caawa ee Champions League, kooxda Inter Milan ayaa kaliya 5 xiddig ku leh shaxdan, halka ay Real Madrid ay xiddigaha ugu badan ku leedahay, iyagoo ku yeeshay 6 laacib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here