Shacabka ku Magaalada Kismaayo oo u dabaal-dagay 26 Juun

0
470

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-26 Juun waxaa ay ku beegantahay xilligii ay Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ka xoroobeen Gumaaystihii Ingiriiska waana xilligii dhulka Soomaaliyeed laga taagay Calanka Soomaliya ee Buluuga ah, Guud ahaan  gobolada dadkeena Soomaaliya ayaa si wayn looga xusaa maalmaha xorriyada.

Shacabka Ku nool Magaalada Kismaayo ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada si ay u waayneeyaan xuska 26 Juun waxaa ayna socod ku mareen wadada dheer ee laamiga ah sido kale waxaa wadooyinka lagu arkagay gawaari uu ka babanayo Calanka soomaliya dadka u soo baxay inay xusaan Maalintan Kuwayn ummada Soomaliyeed oo isugu jiray Rag iyo Dumar ayaa badan koodu ku labisnaayeen dharka Calanka Soomaaliya.

 Xamdi Maxamed Yassin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here