Shacabka Deegaanada Jubbaland oo Loogu baaqay inay ka faa’iideystaan Tallaalka Oof-wareenka

0
7

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jubbaland Ismaaciil Axmed Garas ayaa shacabka ku nool deegaanada Jubbaland ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan ololaha tallaalka Oof-Wareenka, oo si rasmi ah uga bilowday magaalada Kismaayo 17-ka bishan May.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaalkani yahay mid muhiim ah oo lagu badbaadinayo nolosha gaar ahaan caruurta iyo dadka nugul. Waxa uu hoosta ka xariiqay in tallaalku yahay bilaash, ammaan ah, isla markaana si fudud looga heli karo xarumaha caafimaadka.

Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here