Sergio Ramos oo Magacaabay Koox Premier League oo uu ku Dhawaaday Inuu ku biiro.

0
83

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Sergio Ramos Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday ka bixitaanka Real Madrid sanadkii 2014, bilo uun ka dib guushii Champions League ee Xiligaasi.

Daafaca Sergio Ramos ee reer Spain ayaa la rabay inuu buuxiyo booska daafac ee kooxda Manchester United kaasoo ay baneeyeen Rio Ferdinand iyo Nemanja Vidic oo baxay xagaagaasi.

Rio Ferdinand iyo Nemanja Vidic Man United Aabahay waxa uu doonayay inuu igu arko garoonka Old Trafford wuxuuna taageere weyn u yahay Man United, laakiin waxa aan go’aansaday inaan sii joogo Real Madrid.

In kastoo uusan ka shallayn go’aanka daafaca dhexe ee halyeeyga ah ayaa Los Blancos kula guuleystay Seddex Champions League oo kale.

Sergio Ramos ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda kooxda Real Madrid isaga oo kooxda kula guulaystay koobab badan intii uu joogay Los Blancos

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here