Sergio Ramos oo Doortay Kooxda uu Ku Biiri Doono.

0
257

Manchester(Idaacadda Waamo)Sergio Ramos ayaa lagu soo waramayaa inuu doorbidayo inuu ku biiro Manchester United xagaagan halkii uu ku biiri lahaa kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa noqday xor kadib markii uu xaqiijiyay in uu isaga tagayo Real Madrid marka uu dhoco heshiiskiisu todobaadka dambe isaga oo soo afjaraya 16 sano oo uu joogay Madrid.

Sida laga soo xigtay wargayska AS kooxaha Man United iyo Man City ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga laakiin xiddiga ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Man United sabab la xidhiidha taariikhda kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddigu doortay ku biirista Old Trafford halkii uu Pep Guardiola kula biiri lahaa kooxda Man City xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaan haatan diirada saarayn in ay la soo saxiixato xiddig khadka dhexe ah iyaga oo marka hore xooga saaraya in ay la saxiixato xiddiga jadon Sancho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here