Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka kooxda Liverpool Luis Diaz ayaa loo magacaabay saxiixii ugu fiicnaa Premier League xilli ciyaareedka tagay 2021-2022.
Diaz ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda Fc Porto suuqii January waxana uu saamayn deg-deg ah ku yeeshay kooxda Liverpool isaga oo kula guulaystay laba koob.
Xiddiga 25 jirka ah ayaa dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiyay 3 kale 13 kulan oo prmeier Leageu ah oo uu ciyaaray qaybtii dambe ee ciyaarta.
Diaz ayaa saxiixa ugu fiican xilli ciyaareedka ku garaacay xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu helay cod dhan 34.5%.
Ronaldo oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxda Man United isla markaas dhaliyay 18 gool ayaa helay cod dhan 21.3% halka xiddiga kooxda Brentford ee Christian Eriksen helay cod dhan 14.2% kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.
Christian Eriksen ayaa ku lug lahaa 5 gool kadib markii uu kooxda Brentford qaabka xorta ah ugu biiray suuqii Janaury 11 kulan oo uu ciyaaray.