(Sawiro)Real Madrid Oo Diwaan Gashatay Rikoor Ayna Waligeed Horay U Soo Arkin Horyaalka.

0
570

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Real Madrid ayaa Guul Weyn Ka Gaartay Kooxda Osasuna Kulan Ka Tirsanaa Todobaadkii 23-aad ee Horyaalka La Liga iyaga oo Gaartay Guul ay u Qalmeen.

Goolal ay Dhaliyeen Xiddigaha Isco, Ramos, Vazquez iyo Jovic Kuwaas oo Real Madird Ku Hogaamiyay Guul Weyn oo 4/1 ah oo ay ka Gaareen Kooxda Osasuna.

Kadib Guushaas Real Madrid ayaa Diwaan Gashatay Rikoor Taariikhi ah oo ayna Wali Horay Ka Dhigin Horyaalka La Liga Taariikhdeeda.

Rikoorkaas ayaa ah in Real Madrid 23 Kulan oo Horyaalka ah Laga Dhaliyay Kaliya 14 Gool Waana Goolashii ugu yaraa ee Laga Dhaliyay Taariikhdeeda Horyaalka La Liga Marka Heerkan La Joogo.ImageImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here