(Sawiro) Manor Solomon oo Premier League Lala xiriirinayo.

0
841

Spain(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka kooxda Shakhtar Donetsk ee Manor Solomon ayaa shaaca ka qaaday in uu xiiseynayo hoyaalka Premier League.

21-Jirkaan ayaa la rumeysan yahay inuu diirada u saaran yahay kooxda Arsenal, iyadoo agaasimaha farsamada kooxda Ingariiska Edu uu durbaba loo maleynayo inuu wadahadal la yeeshay wakiilka ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Pini Zahavi oo ay ka wada hadlayaan mustaqbalkiisa.

“Waxaa jira wadahadalo aan la yeelanayo kooxo ka socda England,” ayuu Solomon u sheegay Sport5 . “Waxaa jira waxyaabo dhici kara xagaaga. Riyadaydu waa inaan ka ciyaaro England”

Ciyaaryahankii hore ee Maccabi Petah Tikva ayaa dhaliyay shan gool 17 kulan oo uu u saftay Shakhtar intii lagu jiray ololihii 2020-21, halka uu 12 gool u dhaliyay 62 kulan oo uu u ciyaaray kooxda reer Ukraine wadar ahaan tan iyo markii uu yimid Janaayo 2019.

Solomon ayaa sidoo kale laba jeer shabaqa soo taabtay Real Madrid wareega group-yada Champions League xilli ciyaareedkan2020/21.Image result for manor solomonImage

Image result for manor solomon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here