(SAWIRO) Man City oo Ku Dhawaaqday Saxiixa Xiddiga Kalvin Phillips..

0
290

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kalvin Phillips kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Leeds United.

Man City ayaa Kalvin Phillips ka dhigtay saxiixii 3-aad ee ay samayso suuqa kala iibsiga xagaagan kadib Haaland iyo Stefan Ortega Kuwaas oo ay kooxdu horay u shaacisay, Xiddiga Phillips ayaa saxiixay heshiis 6 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2028.

Sidoo kale kooxda Man City ayaa xaqiijisay in uu saxiixooda cusub ee Kalvin Phillips kooxda u xidhan doono Lambarka No.4 oo uu horay u xidhan jiray Vincent Kompany.

Image

ImageImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here