(Sawiro) Kooxda Bayern Munich oo ku guuleysatay Koobka FIFA Club World Cup 

0
340

Germany -(Idaacadda Waamo)-kooxda Germany Bayern Munich ayaa ku guuleysatay koobkii lixaad ee xili ciyaareedkan, iyadoo soo afjartay sannad guulaha ahaa oo ay wacdaro ka dhigtay garoomo kala duwan.

Kooxda Tigres ayey kaga adkaatay Hal gool dhigeeda kooxda Tigres waxana goolkaasi u dhaliyay Benjamin Pavard qeybta danbe daqiiqadii 59 aad ee ciyaarta.

Kooxda reer Germany ayaa soo afjartay sannad taariikhi ah oo ay ku wada guuleysatay dhamaan koobabkii ay u tartantay, iyadoo ugu dambayntiina kusoo xiratay tartanka naadiyada Yurub oo ay ka qaadday kooxda Tigres oo ay iskugu soo baxeen finalka tartankaFIFA Club World Cup.

Bayern Munich oo hore ugu soo guuleysatay koobabka kala ah ,Champions League, Bundesliga, DFB Pokal, German Super Cup, UEFA Super Cup ayaa waxay guulaheeda kusoo xiratay koobkii lixaad oo ah FIFA Club World Cup.ImageImageImageImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here