Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Sare U Kac Balaadhan oo Dhanka Qudaarta ah ayaa laga Dareemayaa Suuqyada Qudaarta Lagu iibiyo Magaalada Dhoobley islamarkaana saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa Guud ee Suuqa iyadoo Sare U kacan ay ganacstadu u sababeeyeen Roobkii guga oo ka Da’ay kana curtay Guud ahaan Somaliya iyo sido kale dalka keenya oo ay qudaarta uga iman jidhtay Magaalada Dhoobley.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.