Sare Ukac ku yimid qiimaha Kalluunka Suuqyada kismaayo

0
18

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Suuq weyneha Kaluunka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa laga dareemayaa saameyn ba’an oo ka dhalatay bad-xiranka, taas oo keentay hoos u dhac ballaaran oo ku yimid helitaanka kaluunka.

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa ayaa sheegay in maalmaihii la soo dhaafay uu yaraaday kaluunka ay heli jireen, taasoo saameyn ku yeelatay dakhliga maalinlaha iyo nolosha qoysas badan oo ku tiirsan iibinta kaluunka. Iyadoo dadka waaweyn ee iibsada kaluunka ay cabasho ka muujiyeen sare u kaca qiimaha kaluunka.

Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here