Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Caanaha Geela ee lagu iibiyo suuqyada magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa qiimahoodu sara u kacay roobabka xoogan ee da’ay owgood waxaana hakad galay gawaaridii iyo mootooyinkii lagu keeni jiray caanaha ka dib markii ay xirmeen wadooyinkii ay soo marsiin jireen.
Qaar ka mid Haween caanaha Geela ku iibiya Baydhabo ayaa ka warbixiyay sara u kaca ku yimid qiimaha caanaha iyo waxaa sababay.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.