Samuel Umtiti Oo Xiiso Ka Helayo Kooxaha Reer Manchester

0
410

Kooxaha Isku magaalada ah ee Magaalada ee Man United iyo Man City ayaa heegan buuxa galay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in ay Barcelona ka fiirsanayso in ay iska iibiso xiddiga daafaca uga ciyaara ee Samuel Umtiti.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ka fiirsanayso in ay iska fasaxdo Samuel Umtiti marka la gaadho suuqa xagaaga si ay ula soo saxiixato xiddiga Matthijs de Ligt.

Samuel Untiti ayaa garoomada ka maqnaa muddo 5 bilood ah kadib dhaawac ka soo gaadhay jilibka intii lagu jiray koobkii adduunka.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu warkan heegan galiyay kooxaha ka dhisan magaalada Manchester Kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Samuel Umtiti ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Man United ka hor intii uuna xiddiga reer France heshiis cusub u saxiixin Barcelona.

Waxa xusid Mudan in uu Umtiti kooxda Barcelona kula jiro heshiis ilaa xagaaga 2023 ah iyada oo heshiiskiisa lagu bur-burinayo 500 oo Milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here