Samsung oo bisha Febraayo soo bandhigeeysa taleefanno cusub

0
348

Seoul(Idaacada Waamo)Shirkadda Samsung ayaa Axaddii shalay aheyd sheegtay in ay soo bandhigeyso agab cusub iyo hal-abuurro kale.

Samsung ayaa sheegtay in ay ku soo bandhigeyso magaalada San Francisco, ee dalka Mareykanka bisha Febraayo ee soo socota, Shirkadda suuqa sida weyn uga muuqata dhanka taleefannada ayaa lagu wadaa in ay soo bandhigto nooc taleefanada isku laabma ah iyo hal-abuurkeedi hore ee nooca ‘S’ oo casri ah.

Samsug oo dooneysa in ay sii ilaashato suuqeeda wanaagsan ayaa dooneysa in ay soo bandhigto taleefanada isku laabma ama dhowrka jiho laga istcmaali karo ayaa sido kale lagu wadaa in ay ku soo darto 5G in lagu istcmaali karo.

“Samsung waxa ay soo bandhigeysaa agab cusub oo casri ah, kuwaas oo suuqa la heysan kara 10 ka sano ee soo socota” ayey tiri Afhayeen u hadashay Samsung.

Bishii Oktoobar ee sannadkan ayey Samsung waxa ay soo saaraty nooc taleefon ee isku laabma kaasoo isugu laabmayey sida dhererka ama Vertical-ka sida taleefanadeeda hore ee isku daboolmi jiray , balse goor dambe oo isla Okotoobar ah ay iska joojisay dibna uga noqotay madaama ay la soo gudboonaatay cillad dhanka shaashadda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here