Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la yeeshay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Serbia

0
50

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Serbia Danjire Maxamed Abdullahi Axmed ayaa maanta kulan Laba-geesood ah la qaatay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga, Dib-u-heshiisiinta iyo Xasilloonida Bulshada ee Dowladda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Usame Zukorlić.

Wasiirka ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka sameynayaan dhinacayada; dib u dhiska dalkooda, Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah ee dunidda inteeda kale iyo golayaasha Siyaasadda loo dhan yahay.

“Waxaan ku faraxsanahay dib u soo kabashadda Dowladimadda Soomaaliya iyo dhan is bedeladda walba oo ay bushsdda Soomaaliyeed muujijeen, waxaan jeclahay inaan mar uun booqdo Soomaaliya”.

Danjire Maxamed Cabdullahi ayaa mahad celin kadib Wasiirka u rajeeyay guul ka gaaridda shaqadda dalkiisa uu u haayo, isagoo xusay in ay Soomaaliya ay muhiimadda gaarka siiso xiriir Wanaaga iyo wada-shaqeynta saaxiibadda caalamka, iyadoo la ilaalinaayo qawaaniinta Caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here