Safiirka Soomaaliya ee koonfur Afrika oo kulan laqaatay Culimo Soomaaliyeed

0
30

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee South Africa ayaa la kulamay Guddoonka sare ee hay’adda Al-bayaan ee ka jirta dalkan South africa.

Kulan sharafeedkan ey maamulka sare ee Al-bayaan u sameeyeen Safiirka ayaa looga hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay sidii la isugu xiri lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka koonfur Africa iyo dawladdooda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay caqabadaha Jaaliyadda haysta iyo xallintooda, waxaana la isla qaatay sidii loo garab istaagi lahaa dowladda Soomaali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here