Sadio Mane oo Ku Guulaystay Xiddiga ugu Fiican Qaarada Africa Sanadka 2022

0
205

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Xiddiga Kooxda Bayern Munich ee Sadio Mane ayaa ku Guulaystay Abaalmarinta xiddiga ugu fiican qaarada Africa sanadka 2022, Kadib xaflad lagu qabtay dalka Morocco Mane ayaa loo caleemo saaray xiddiga ugu fiican qaarada Africa sanadka 2022.

Mane ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah iyo waliba Goolhayaha ay isku xulka yihiin ee Mendy, Sadio Mane ayaa abaalmarinta ku mutaystay kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay sanadkan haatan lagu jiro ee 2022.

Mane ayaa sanadkii Dhammaaday ku guulaystay Koobka Africa, Carabao cup iyo FA Cup oo uu kula kala guulaystay xulka qarankiisa iyo Kooxdiisii hore ee Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here