Ruud Gullit oo Saadaaliyay Kooxda ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League

0
107

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Halyeyga reer Holland Ruud Gullit ayaa kooxda Napoli u saadaaliyay ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Napoli ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan iyaga oo 15 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka Serie A-da.

Napoli ayaa wareega 16-ka la ciyaari doonta kooxda reer Germany ee Eintracht Frankfurt tartanka champions League.

Napoli ayaa ciyaartay kubad aad u qurux badan, iyadoo ay ku jiraan xiddigaha Khvicha Kvaratskhelia iyo Victor Osimhen oo qaab ciyaareed heer sare ah.

Iyadoo Real Madrid, Manchester City iyo kooxo kale oo waaweyn ay ku jiraan tartanka champions League Gullit ayaa kooxda Napoli u saadaaliyay ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan.

“Aniga ahaan, Napoli waa kuwa ugu cadcad ku guuleysiga Champions League, sababtoo ah waxa ay ciyaarayaan kubada cagta aan dhamaanteen wada jecelnahay in aan aragno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here